Ogaden

Home History News Center RX Studio RX Forum Interviews Somali Links Newsgroup Articles

Contact Us

 >>Audio Clip Available Radio Xoriyo    |   BBC Somali >> Audio Clip Available   11:00 GMT    Audio Clip Available 1:00 GMT     Audio Clip Available 18:00 GMT  | 
Main Page
History
RX News
RX Studio
RX Forum
Interviews
Qur'an
Wareysiyo BBC
Xidhxidh rayid
WareysiM.Omar
Wareysi Hanad
Dr.Dolaal
Af hayeenka
W/galbeed
Muuqaal
Wafti ONLF
Wafti ONLF 2aad
Tartan Dh/buur
Gabay Calanka
Rooda Afjano
Mid. Qudbad
Gawric Sangub
Heestii Calanka
Idil & Nimco
Heestii Calanka
Dhaanto & Heeso
Dhoodaan
Dhooda Gabay
Dhanto Guuxa
Dalkaygow
Heeso 1977
Heeso Wadani
Jeero Xabashida
Caafimad
Waaberi dhalinyaro
Nimco & Idil
Heesta Calanka
Hibo Nuura
Xirsi & Mahad
Hodan Cabdulahi
Aragtida Halgamaaga
Laba wajiilel
lama gumaysankaro
Goroyoy G.kuudhac
Kororso Aqontada

Shirkii Khartoum ee loo qabtay dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka oo qabyo ku soo dhamaaday

(Qodobo heshiiskii hore lagu sii adkeynayo oo laga soo saaray)

Isniin, September 04, 2006(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Khartoum ee Dalka Suudaan ayaa waxay sheegayaan in dowladda Federaalka iyo Golaha Maxkamadaha Islaamka ay shirar u socday muddo seddex maalmood ah ay ka soo saareen qodobo lagu adkeynayo heshiiskii hore.

Qodobada shirka ka soo baxay ee aan isbedelka weyn muujineynin waxaa ka mid ah In la tixgeliyo rabitaanka shacabka, in la dhowro midnimada Umadda Soomaaliyeed, in sidooda loo tixgeliyo heshiiskii ay labada dhinac gaareen June 22, 2006, in aan taageero la siinin hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho laga ceyriyay, in dalalka la deriska ah Soomaaliya aysan sameynin ku xadgudub xuduudeed, in guddi dabagala fulinta heshiiska ay labada dhinac gaareen la sameeyo, iyadoo guddigaasina ay xubnihiisa ka kala imaanayaan Dowladda iyo Maxkamadaha iyo in la sameeyo Ciidamo Qaran oo uu leeyahay dalka Soomaaliya, kuwaasi oo ka kala imaanaya Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Isalamka.

Wararku waxay intaas ku darayaan in ay jiraan qodobo ay labada dhinac dib ugula noqonayaan mas'uuliyiintooda sare, waxaana lagu soo waramayaa in ay maxkamadaha dib ula laabanayaan Arrimaha wax ka bedelka Dastuurka iyo Awood qeybsiga, halka Dowladdana ay dib ula laabaneyso qodobada kala ah ka laabashada go'aankii Baarlamaanka ee Keenista Ciidamada Shisheeye iyo Keenista iyo Bixinta Ciidamada Shishee, gaar ahaan kuwa ka socda Urur goboleedka IGAD.

Sidoo kalena waxaa qodobada heshiiska lagu gaaray ka mid ah in la isugu yimaada shir kale oo lagu sii lafo guro heshiiska qabyada ah ee labada dhinac u socda, waxaana qodobada heshiiskaas loo dhigtay ka mid ah qeybsiga awoodda oo dabcan dhinacii siyaasadda ah.

Xubnaha shirka yeeshay ee ka kala socday Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka oo tiradoodu dhameyd 32 xubnood ayaa si weyn isugu fahmay shirka ay Khartoum ay ku yeesheen, waxayna qaarkood ka qoomameeyeen kala xirnaanta ku kala jirta, hayeeshee waxaan weli isa soo horfariisan mas'uuliyiinta sare ee labada dhinac ee kala ah Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisal Wasaare Geedi oo dhinac ah iyo Shiikh Xasan Daahir Aweys iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo dhinac kale ah.

 

News Center   |  Forum |  RX Studio  |  Somali Links  |  Contact Us|

Copyright © 2006 Radioxoriyo.com All Rights Reserved. This site is created by Radio Xoriyo. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.