Ogaden

Home History News Center RX Studio RX Forum Interviews Somali Links Newsgroup Articles

Contact Us

 >>Audio Clip Available Radio Xoriyo    |   BBC Somali >> Audio Clip Available   11:00 GMT    Audio Clip Available 1:00 GMT     Audio Clip Available 18:00 GMT  | 
Main Page
History
RX News
RX Studio
RX Forum
Interviews
Qur'an
Wareysiyo BBC
Xidhxidh rayid
WareysiM.Omar
Wareysi Hanad
Dr.Dolaal
Af hayeenka
W/galbeed
Muuqaal
Wafti ONLF
Wafti ONLF 2aad
Tartan Dh/buur
Gabay Calanka
Rooda Afjano
Mid. Qudbad
Gawric Sangub
Heestii Calanka
Idil & Nimco
Heestii Calanka
Dhaanto & Heeso
Dhoodaan
Dhooda Gabay
Dhanto Guuxa
Dalkaygow
Heeso 1977
Heeso Wadani
Jeero Xabashida
Caafimad
Waaberi dhalinyaro
Nimco & Idil
Heesta Calanka
Hibo Nuura
Xirsi & Mahad
Hodan Cabdulahi
Aragtida Halgamaaga
Laba wajiilel
lama gumaysankaro
Goroyoy G.kuudhac
Kororso Aqontada

Shir dhalashada JWXO lagu xusayay oo lagu qabtay magaalada London


 
Aug 20, 2006
 
Jaaliyada Ogaadeenya ee waddanka UK ayaa shir wayn ku qabataya magaalada London maalintii sabtida ahayd ee taariikhdu ku beegnayd 19.8.06. Shirkaasi wuxuu ku saabsanaa xus loo samaynayaya munaasabada sannad guurada 22aad ee ka soo wareegtay asaaskii Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya JWXO. Munaasabada shirkan ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixino ku saabsan dalka Ogaadeenya. Waxaa sidoo kale lagu faahfaahiyay siyaasada JWXO ee ku saabsan arrimaha dibada iyo isbhaysiga AFD oo dhawaan ay ku biirtay JWXO.
 
Waxaa shirkan ka soo qayb galay madax sarsare oo ka tirsan Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya JWXO, waxaana madaxdaas ka mid ahaa madaxa hooggaanka arrimaha dibada iyo Jaaliydaha ee JWXO mudane C/raxmaan Sh Mahdi, madaxa hooggaanka warfaafinta JWXO mudane A/yaasiin Sheekh iyo guddoomiyaha Hay’adda hantidhawrka yo kormeerka mudane Maxamed Cabdi Yaasiin Diirrane. Waxaa sidoo kale shirka ka soo qayb galay guddoomiyihii hore ee JWXO mudane Sh Ibraahima C/llaahi iyo xubno kale oo ka tirsan golaha dhexe ee JWXO.
 
Waxaa sidoo kale shirkan ka soo qayb galay siyaasiyiin, aqoonyahano iyo dadwayne aad u fara badan oo reer Ogaadeenya ah oo ka kala yimid magaalada London iyo magaalooyin kale oo ka mid ah dalka UK.
 
Waxaa shirka lagu furay aayado Quraan ah iyo wacdi kooban oo ka hadlayay fadliga isu imaatinka ku dhisan falanqanta danaha ummada.
Ka dibna waxaa dhacdooyinkii kale ee shirka lagu billaabay heestii Calanka, taasoo qiiro wayn ku beertay dadwaynihii halkaas isugu yimid ood wajiyadooda ka akhrisan karaysay sida ay ugu jibbaysan yihiin calankooda iyo qaranimadooda.
 
Intaas ka dib waxaa makarafoonka lagu soo dhaweeyay guddoomiyaha hooggaanka warfaafinta JWXO mudane A/yaasiin Sheekh oo ka warbixiyay xaaladda halganka iyo guulaha la taaban karo ee laga soo hoyiyay dagaallada cadowga lagula jiro, isagoo tilmaamay inay xukuumadda Itoobiya ay ku fashilantay hawlgalkii millatari ee daba-yaaqadii April ay ka billowday dalka Ogaadeenya. Wuxuu kaloo tilmaamay in cadaadiska iyo xasuuqa ay ciidammada Itoobiya ku kordhiyeen dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya ay sii kordhiyeen dhiirranaantii iyo gesinimadii dadwaynaha.
 
Waxaa markaas ka dib makarafoonka lagu soo dhaweeyay guddoomiyaha Jaaliayada Ogaadeenya ee dalka UK Sheekh Xuseen oo halkaas ka soo jeediyay hadal kooban oo si wayn dadwaynihii halkaas joogay u qiira galiyay. Wuxuu ka warramay xaaladda uu ku sugan yahay dalka Ogaadeenya iyo sida naxariis darrada ah ee cidammada gumaysigu ula dhaqmaan dadwaynaha. Wuxuuna dadwaynaha reer Ogaadeenya ku guubaabiyay inay u midoobaan halganka ooy meel uga soo wada-jeestaan gumaysiga dalkooda haysta.
 
Waxaa sidoo kale makarafoonka lagu soo dhaweeyay Mudane Dirrane oo ka hadlay sababaha ay JWXO ugu biirtay Isbahaysiga AFD. Mudane Diirrane wuxuu tilmaamay inayna hadda ugu horraynin in JWXO isku daydo inay la midowdo ururro kale oo dagaal kula jira xukuumadda Itoobiya, wuxuuna tilmaamay in sannadkii 1996 la isku dayay in lala midoobo ururka OLF. Wuxuu kaloo sharraxaad waafi ah ka bixiyay sababaha ay hadda u oggolaadeen inay JWXO la midoobaan ururrada Amxaarada oo iyagu ahaa kuwa mar kasta fogayn jiray qowmiyada soomaalida iyo JWXO oo matalaysa, isagoo tilmaamay inay iyagu hadda mawoqifkoodii ka soo dabceen, isla markaana oggolaadeen inay JWXO la dagaal galaan.
 
Waxaa sidoo kale shirkan ka hadlay siyaasiga wayn ee lagu magacaabo Faarax Daahir Afey, oo si waafi ah u faahfaahiyay soo yaalka taariikheed ee halganka Ogaadeenya, isagoo tilmaamay sababaha halganka keenay iyo inay waajib ku tahay qof oo reer Ogaadeenya ah inuu gunnimada diido oo xorriyada u dagaallamo. Mudane Afey wuxuu sheegay in halganka Ogaadeenya uu maanta ku taagan yahay oobiyihii ugu saxsanaa, isla markaana ay muuqdaan ifafaalo muujinaya inay guushii dhawdahay.
 
Waxaa sidoo kale shirkan ka hadlay Mukhtaar Dakharre oo u hadlayay odayaasha reer UK, kaasoo sheegay in odayaashu ay ku jiraan qorshayaal ay dadwaynaha kaga raaridayaan halganka, isla markaana ay uga dan-leeyihiin isu soo jiidista dadka u dhashay Ogaadeenya ee ku dhaqan dalka UK.
 
Waxaa kaloo shirka ka hadlay aqoonyahano tilmaan ka bixiyay sida ay ula dhacsan yihiin siyaasada iska caabbiga ah ee JWXO ku wado halganka ay kaga soo horjeedo gumaysatada Itoobiya, kuwaasoo dadwaynaha ku dhirri galiyay inay halganka taageeraan oo ayna marnaba u dulqaadanin falalka cadowtinimada ah ee cadowgu dadkooda kula kacayo.
 
Waxaa isaguna shirka ka hadlay madaxa hooggaanka arrimaha dibada iyo jaaliyadaha ee JWXO mudane C/raxmaan Sh Mahdi, oo si waafi uga hadlay siyaasada dibada ee JWXO, isagoo sheegay in siyaasada JWXO ee ku aaddan Soomaaliya ay tahay iyadoo JWXO doonayso in Soomaaliya yeelato dawlad loo dhan yahay, isa markaana ay dawlada ku meelgaadhka ah iyo quwadaha kale ee Soomaaliya ka jira, sida Golaha Maxkamaduhu ay wadaxaajoodaan oo ka shaqeeyaan sidii ay xukuumad loo dhan yahay daka ugu samayn lahaayeen.
 
Wuxuu kaloo sheegay in JWXO ay iskaashi la samaynayso cid kastoo gacan ku siinaysa halganka ay ku jirto, isagoo tilmaamay in danta halganku ay JWXO hooggaaminayso.
 
Waxaa kaloo shirka ka hadlay guddoomiyihii hore ee JWXO Sh Ibraahim Cabdalla oo ka warramay xaaladda gobolka Geeska Afrika iyo isbadallada ku yimid oo ay ugu horreeyaan Maxkamadaha Soomaaliya ee la wareegay awoodda magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda iyo saamaynta ay arrntaasi ku yeelan karto halganka Ogaadeenya.
 
Shirkan oo ahaa mid si wanaagsan loo soo agaasimay, isla markaana ay aad ugu maqsuudeen dadkii ka soo qayb galay iyo kuii agaasimayayba, waxaa lagu soo gabagabeeyay gabay guubaabo ah oo lagu magacaabo Midnimo oo uu halkaas ka soo jeediyay Abwaankii waynaa ee Maxamuud Cabdi Cumar ”Jango”.

Opinion

Odayada dalkoodoo labixin diidnay odhan waayay Abdirahman ahmedwali New
BBC Soomali ma ogadeniyey gumeysataa?Soran 
Dadka Soomaalida Ogaadeeniya ee ku Nool Dibaddu ma ka soo Baxaan Kaalin Halgameedkii Xamiid Cali Aar
WAA MAXAY ISTARAATIJIYADDA DHABTA AH EE AY ETHIOPIA KA LEEDAHAY OGADENIA duufaan Xasan Nuur
ODAYADA IYO WEJIGA LABAAD EE QORSHE SIR AH Hereri Haji
ABAARAHA KATAAGAN GEESKA AFRICA IYO WAX YAABAHA KEENAY Eng. Badal Ahmed Hassan  PDF
Is the ONLF tolerating intolerance? Response to Ayuub Mohamed’s The ONLF-has it failed the Somalis? By Sadiq A. Abdirahman PDF
10 toban siyood oy wadaagaan shirarka jaaliyadaha Ogaadenya iyo 2 aan rajaynayo inay soo kor dhaan Hubiye Maxamed
Ogaadeenya oo Tubtii Xoriyadda Cagta saartay. Maax Ibrahim
Meeting of US Congress Members, State Department Officials and High Ranking ONLF officials Halkan kadaawo Sawiradii
Sat. ERI.TV GUEST focuses on ethnic cleansing in Ethiopia. ONLF, OLF, SLF and Anywaa part

News Center   |  Forum |  RX Studio  |  Somali Links  |  Contact Us|

Copyright © 2006 Radioxoriyo.com All Rights Reserved. This site is created by Radio Xoriyo. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.