|
Guryihii iyo baabuurtii Cali Kunaay oo ciidanka gumaysiga ee Jigjiga la wareegeen.
Wararka naga soo gaadhaya Jigjiga ayaa sheegaya in guryihii Cali Kunaay oo ahaa afhayeenkii hore ee baarlamaan ku sheega kililka ay maanta ciidanka gumaysiga ee jigjiga albaabada u laabeen oo ay quful dusha kaga jabiyeen kadib markay kasoo saareen qoysaskii daganaa halkaas.
Warkan oo uu soo xaqiijiyey wariyaha Ogaden online iyo Radio Xoriyo ee magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in guryahaas ahaa hantidii hali Kunaay ay maanta la wareegeen ciidanka gumaysigu.
Warku wuxuu intaas ku darayaa in sidoo kale laba baabuur oo uu lahaa Cali Kunaay oo ahaa nooca loo yaqaano Land Cruseir iyagana lala wareegay oo ay hada kujiraan gacanta ciidanka Gumaysiga ee magaalada jigjiga,arintan ayaa ka dambaysay baxsashadii Cali Kunaay kadib markii laga xayuubiyey xilkii afhayeenimo ee maamul ku sheega oo uu u baxsaday wadanka dibadiisa.
Maalmo kahor ayaa sidoo kale xabsiga la dhigay haweenaydii Cali Kunaay oo iyadana laga cabsi qabay inay baxsato.
La wareega hantida noocaas oo kale ah ayaan waxba ka duwanayn mida lagu hayo guud ahaanba shacabka dulman ee Ogadenya oo maalin iyo Laylba lagu hayo dhac iyo hanti boob.
Jigjiga-Ogadenya
Ogaden Online news/Radio Xoriyo
|