|
Farmashigii Cabdullaahi Xaaji Xuseen ee Qabridahare oo ciidanka gumaysigu boobeen iyo Xassan Aardoon oo la xidhay.
Wararka naga soo gaadhay magaalada Q/Dahare ayaa sheegaya in sadex maalmood ka hor ay ciidanka gumaysiga itoobiya ee ka hawl gala magaalada Q/daharre boobeen farmashigii Cabdullaahi Xaaji Xuseen oo ahaa farmashi ay dadka deegaanku aad ugu tiirsanaayeen hawlo badana u hayay shacabka ku nool gobolka Qoraxay iyo nawaaxigiisaba.
Ciidanka gumaysiga ayaa markii hore doonayay inay qabtaan dhakhtar(Baadhe) ka shaqaynayay farmashigaas oo lagu magac aabo C/naasir Axmed Gamaadiid,nasiib wanaagse ay ka waayeen halkaas,kadib markuu C/naasir ka cararay magaalada Q/daharre 2 maalmood kahor oo uu helay xog iyo warar sheegaya in ciidanka gumaysigu raadinayo.
Xassan Aardoon oo ay saaxiibo dheer ahaayeen C/naasir Axmed ayay ciidanka gumaysigu qabteen oo ay xidheen,kadib markay waayeen C/naasir waxayna ku eedeeyeen Xassan Aardoon inay saaxiibo yihiin iyo isku sir yihiin ninka ay raadinayaan ee C/naasir Axmed ah,waxayna ugu hanjabeen inuu sheego meesha uu jiro saxiibkii.
Xassan Aardoon ayaa ku adkaystay inuusan waxba kala soconin sirta saaxiibkii uuna ogayna meel uu jiro balse ay yihiin saaxiibo,waxaana Xassan aardoon lasoo daayey shalay galabtii markii ay ka waayeen waxay ka rabeen.
Warku wuxuu intaas ku darayaa inay ciidanka gumaysigu boobeen farmashigii gabi ahaantiiba.
Milkiilihii farmashiga Cabdullaahi Xaaji Xuseen ayaa ku dacwooday in ninkaas ay raadinayaan uusan lahayn farmashiga ee uu isagu leeyahay hantida, sidaa daraadeed loogu soo celiyo hantidiisii
Hantidii taalay farmashiga ayaan ilaa iyo hada gacan lagu haynin rajana laga qabin wax gala gacan gumaysi inuu dib usoo laabto.
Ciidamada gumaysiga itoobiya ayaa Ogadenya ka gaysta falalka ay kamidka yihiin dilka,xadhiga,kufsiga iyo hanti boobka siday doonaanan ka yeela shacabka.
Q/daharre--Ogadenya
Ogaden online------ Radio Xoriyo
|