Ogaden

Home History News Center RX Studio RX Forum Interviews Somali Links Newsgroup Articles

Contact Us

 >>Audio Clip Available Radio Xoriyo    |   BBC Somali >> Audio Clip Available   11:00 GMT    Audio Clip Available 1:00 GMT     Audio Clip Available 18:00 GMT  | 
Main Page
History
RX News
RX Studio
RX Forum
Interviews
Qur'an
Wareysiyo BBC
Xidhxidh rayid
WareysiM.Omar
Wareysi Hanad
Dr.Dolaal
Af hayeenka
W/galbeed
Muuqaal
Wafti ONLF
Wafti ONLF 2aad
Tartan Dh/buur
Gabay Calanka
Rooda Afjano
Mid. Qudbad
Gawric Sangub
Heestii Calanka
Idil & Nimco
Heestii Calanka
Dhaanto & Heeso
Dhoodaan
Dhooda Gabay
Dhanto Guuxa
Dalkaygow
Heeso 1977
Heeso Wadani
Jeero Xabashida
Caafimad
Waaberi dhalinyaro
Nimco & Idil
Heesta Calanka
Hibo Nuura
Xirsi & Mahad
Hodan Cabdulahi
Aragtida Halgamaaga
Laba wajiilel
lama gumaysankaro
Goroyoy G.kuudhac
Kororso Aqontada

Barnaamijka Radio xoriyo

Aug 29, 2006

  • Dagaalo lagu naafeeyey Ciidamada Gumeyisga Itoobiya.

  • Sideed General oo ka mid ah Ciidamada Itoobiya oo la la'yahay.

  • Ciidamaad Itoobiya oo Xabsiga dhigey Haweenaydii cali Kunaay.

  • Kulan ku Dhex maray wadanka Maraykanka masuuliyiin sarsare oo maraykan ah iyo madax kamid ah JXXO.

  • Go’aamadii Kalfadhigii 3aad ee G/Dhexe ee JWXO ee lagu qabtay dalka Ogaadeenya gudihiisa.

Dagaalo lagu naafeeyey Ciidamada Gumeyisga Itoobiya.

13/08/06 weerar lala beegsaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo u soo gurmaday ciidammado dagaal ku qabsaday Xiidadow, waxaana halkaas lagaga dilay 5 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay.

14/08/06 dagaal sidoo kale ka dhacay meesha lagu magacaabo Danbar-weyne, oo ka tirsan degmada Dhanaan, waxaa ciidammada gumaysatada Itoobiya lagaga dilay 30 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay tiro badan oo kale.

14/08/06 dagaal mir oo ciidammada xoreynta Ogaadeenya ku qaadeen ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa Sasabane waxaa gumaysiga lagaga dilay 4 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

15/08/06 dagaal ka dhacay Huuraale waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 5 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

16/08/06 dagaal ka dhacay Xaad-Weyn, oo ka tirsan Garbo, waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 3 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

18/08/06 dagaal adag ayaa ka dhacay magaalada Caado, ku taalla duleedka magaalada Wardheer, ka dib markii uu cadowgu halkaas ciidammo aad u badan isugu keenay, waxaana halkaas ciidammada gumaysiga lagaga dilay 80 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay in ka badan 100 askari.

19/08/06 dagaal ka dhacay Kuus-cawl, oo ka tirsan degmada Fiiq, waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 6 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay.

Sideed General oo ka mid ah Ciidamada Itoobiya oo la la'yahay

War naga soo gaadhaya Caasimada Gumeysiga Itoobiya ee Adis Ababa ayaa sheegaya in la la'yahay sideed(8) General oo ka mid ahaa Ciidamada Itoobiya ah oo aan la garanaynin meel ay ku suganyihiin.

Sida ay warar xog ogaal ahi sheegayaan kadib markii uu baxsaday General Kamal ayuu Meles Zenawi qabqabtay 8 General oo uu ku eedeeyay inay ka dambeeyeen baxsashada General Kamal.

Lama oga in la laayay iyo inay xabsi qarsoodi ah ku jiraan. Balse warar aan ka helnay xaga Ciidamada Itoobiya ayaa sheegaya inay jirto xaalad aad u qalafsan kadib markii la waayay Saraakiishii Ciidamada, taasi oo aad looga baqayo inay isku gadoodaan Ciidamadu.

Saraakiishan la waayay ayaa u kala dhashay Qoomiyadaha Axmaarada iyo Oromo.

Dhinca kale, Saraakiisha Ciidamada ee TPLF ayaa bilaabey baadhitaan ku wajahan Ciidamada, iyo sida ay daacad ugu yihiin xukumada ka talisa Itoobiya, waxayna Ciidamada u keenaan waraaqo la buuxinayo oo askari walba ku qorayo waxa uu ka cabanayo oo uu si qarsoodi ah oo aan cidina u ogeyn uu waraaqaaas u buuxinayo.

Balse sida warku sheegayo waraaqahaas ayaa waxaa baadhitaan ku sameynayaa saraakiil gaar ah oo eegaya farta qoraalka askariga iyo saxiixisa, taas oo keentay in askartaas talaabo laga qaado.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in bisha August 16, 2006 ay kaadiriyiinta iyo saraakiisha TPLF ku qabtey kulan meesha lagu magacaabo Arategna Kifle Tor Gibe, kadib markii koobtaas lagu qaybiyey waraaqo ciidamaada Itoobiya ku dhiri gelinaya in ay raacaan wadadii uu marey General kamal Gelchi oo ay ka goostaan taliska Adis aba.

Si kastaba ha, ahaatee waxaa jira jahawareer iyo guud ahaanba xaalada Siyaasadeed oo
faraha ka baxday.

Ciidamada Itoobiya oo Xabsiga dhigey Haweenaydii Cali Kunaay

Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Jigjiga ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada Itoobiya Xabsiga u taxabaeen Xaaskii Cali Kunaay. Haweenaydaas oo lagu magacaabo NASRO, ayaa warku wuxuu sheegayaa in ay tahay qof Xaamilo ah.

Cali Kunaay oo ahaan jirey Afhayeenka Baarlamaan ku sheega Dabaqoodhiga ee Magaalada Jigjiga ayaa isagu badhatman bishan August u baxsadey wadanka Abu Dabai sida warku sheegayo.

Ma jiraan warar tifaf tiran oo ku saabsan sababta ay Ciidamada Itoobiya u xidheen Haweenaydan oo Xaamilada ah. Balse Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ayaa ku caan ah falaka noocan oo kae ah u xidhaan ama ciqaabaan qaraabada qofka ay u danbi u malaeegayaan.

Maxkamadaha oo ka digey in ay dagaal ku qaadi doonaan ciidamada Uganda ee jooga Baydhabo

Afhayeenka Madaxa Dacwadda iyo Warfaafinta ee Golaha Maxkamaddaha Islaamka Cabdi Raxiim Cali Muudey ayaa ka digey in ay dagaal kala hortagayaan ciidamada Uganda ee ku sugan Magaalada Baydhabo hadii aysan si dhaqso ah uga bixin dalka Soomaaliyaa.

Hadalka C/raxiim Cali ayaa soo baxay ka dib markii saraakiil iyo qalab militari oo ka yimid wadanka Uganda ay ka dageen magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in ciidamadaasi iyo saraakiishaasi ay yihiin kuwo horudhac u ah ciidamada IGAD ay go'aamiyeen in la keeno Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka Uganda ayaa ah madaxa Urur Goboleedka IGAD ee xiligan xaadirka ah.

Jaamacada Alamaya ( Alamaya University) oo uu kacdoon ka dhacey

Wararka naga soo gaadhaya Jaamacada Alamaya (Alamaya University) ayaa sheegaya in Jaamacadaas ay ka dhaceen qulqulatooyin dhaliyey gacan ka hadal.

Kacdoonkan ayaa dhacay markay taarikhdu ahayd bishan August 25,. Rabshadahan ayaa u dhexeeyay Ardayda Jaamacada ee ka soo kala jeeda Qoomiyada Romada iyo kuwa Tigreaga.

Warku wuxuu sheegayaa in ay rabshadahaas ku dhintay inta hada la ogyahay ugu yaraan 4 ruux, halka uu dhaawacu gaadhao 113 ruux.

Jaamacada Alamaya waxay ku taalaa meel u jirta Magaalada Harar 14km oo kaga aadan dhinaca Waqooyiga.

Ququlatooyinkan ayaa u muuqda mid ku wajahan xaalada siyaasadeeed ay ku sugantahay Dawlada ka talisa Itoobiya.

Ardeyda Jaamacadaha Itoobiya ayaanan u dhiganin waxbarshada si niyad ah, iyadoo marba marka kasii dambaysa kasoo xumaanayso xaaladu.

Ma jiraan ilaa iyo hada wax xal ah oo arintaas Jaamacada laga gaadhay. Sida ay noo xaqijiyeen qaar kamid ah Ardayda Jaamacada dhigata ayaa sheegaya in ay aad u hoosayso rajada laga qabo deganaanshaha iyo sdii xasilooni loogu soo dabaali lahaa Jaamacada.

Jaamacada ayaa waxaa hada ku sugan Ciidamo aad u tiro badan, kuwaas oo ku kla dhex jira Ardeyda.

Ardeyda Itoobiya ayaa taariikh ahaan aad caan ugu ah in ay abuuraan kacdoono ka dhan ah xukumada, iyaga oo aad uga gilgisha dhibaatooyinka xukumadu ku kacdo.

Kulan ku Dhex maray wadanka Maraykanka masuuliyiin sarsare oo maraykan ah iyo madax kamid ah JWXO.

Wafti ka kooban 30 ruux oo ka kala socday Odayaasha, dhalinyarada, Haweenka, aqoonyahanada Jaaliyada Soomaalida Ogaadeenya, iyo afar aqoonyahan oo ka socday Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa kulan mudo la qorshaynayey la yeeshay Anna Nevada oo ah madaxa Xadhiidhka Caalamiga ah ee Xafiiska Senator Coleman fadhigeeduna yahay Washignton, taasoo hogaaminasay masuuliyiin sarsare oo ay ka mid ahaayeen, Maxamuud Nuur Wardheere oo ah siyaasi caan ah oo Minnesota iyo Maraykankaba laga yaqaano isla markaana ah Wakiilka Soomlaaida ee Xafiiska Senatorka Senatorka, iyo Madaxa dhinacyada Sharciyada xafiiska Senator Coleman Anna Kopperud.

Wafuudi ka socotay Soomaalida Ogaadeenya ayaa warbixin dheer ka akhriday goobti, isla markaana gal ay qoraalo ka buuxaan kana hadlayey ku tumashada xuquuqal insaanka iyo tacadiga ka jira Ogaadeenya ee ay hadh iyo habeen gaysanayaan Ciidamada Cadawga ah ee Xukumada ay TPLF hogaamiso.

Dhanka kale, odayadii goobta fadhiyey ayaa si cad u muujiyey in dawlada Maraykanka iyo bulshada Caalamkaba ay dani ugu jirto in xaalada Ogaadeenya wax laga qabto. Sababtu waxaa weeye ayey yidhaahdeen, iyadoo hadii aan xal loo helin dhibaatada Ogaadeenya aysan deganaansho iyo xasilooni ka dhalan karin gobolka Geeska Afrika iyo gebi ahaanba Bariga Afrika.

Waxay odayadu sidoo kale u sheegeen Anna Nevada, in Jaaliyada Ogaadeenya ee dalkan Maraykanka aysan nolol degan ku noolaan karin dalkan maadaama ay ehelkooda dalka Ogaadeenya ku nool ay dhibaato guumaysi ku jiraan hadh iyo habeena ay ka seexan la'yihiin wararka ka imanaya Ogaadeenya oo dhiilo xambaarsan. Odayada oo tilmaamayey waaya aragnimada ay u leeyihiin dhibaatada faca wayn ee Guumaysiga ee Abasiiniya ayaa tilmaamay, in shacbiga Ogaadeenya uu mudo dheer ku soo jiray dhibkan, maantana la soo gaadhay wakhtigii la soo gebagebayn lahaa waxna laga qaban lahaa.

Waxay Haweenka Jaaliyada Ogaadeenya ka socday aad ugu dheeraadeen iyaguna dhibaatada khaaska u ah Haweenka iyo Gabdhaha Ogaadeenya oo beryahan dambe uu gumaysigu dhibaatooyin gaara ah ku hayo. Waftigii haweenka Ogaadeenya ee Maraykanka ayaa masuulkaas Maraykanka ah u sheegay in kufsiga, dilka, iyo nolol lagu xabaalo haweenka Ogaadeenya ay yihiin wax joogto ah oo gumayigu si maalinle ah ugu gaysto dumarka Ogaadeenya.

Dhanka kale waxay dareen dheeraad ah ka muujiyeen in 40% Ciidamada Guumaysiga Itoobiya ee Ogaadeenya jooga ay qabaan Cudurka HIV/AIDS, taasina ay keeni karto in dhibaatooyinkii dadwaynaha kaga imanayay ciidammada gumaysiga ay ku soo biiraan dhibaatooyin caafimaad oo xad-dhaaf ah, iyadoo waliba ayna Ogaadeenya ka jirin goobo caafimaad oo cudurkan lagu ogaan karo.
Dhanka kale waxay Haweenku si gaara uga codsadeen Anna Nevada iyo Anna Kopperud inaysan xaaladan fududaysan oo ay Golaha Wakiilada iyo kuwa Senate-ka iyo Waaxda arimaha dibada ee Maraykanka u gudbiyaan.
Mid ka mida hooyooyinka ka hadlay goobta oo ah Haweeya Xassan Xirsi ayaa tidhi, "Waxa dhibka ugu badan uu ku dhacayo waa dumarka, idinkuna dumar ayaad tihiin, sidaa darteed waa inuu jidhku idiin danqado dhibaatada haysata Dumarka Ogaadeenya."

Dawlada Maraykanka ayaa lagu boorriyay inay wax ka qabato dhibaatada iyo dulmiga ka jira Ogaadeenya iyadoo kaashanaysan xaqiiqda ka jirta Gobolkaas. Anna ayaa ballanqaaday inay gudbin doonto fariimahan inta tabarteeda ahna aysan waxba la hadhi doonin inay indhaha dawlada Maraykanka ku soo jeediso Xaalada ka jirta Ogaadeenya.

Intaas ka dib waxaa goobti ka hadlay, aqoon yahanadi ka socday Jamhuuriyada Soomaaliya iyagoo muujiyey in dhibaatada Ogaadeenya ay tahay mid fac wayn, sababna u ah faragalinta ay Itoobiya ku hayso Soomaaliya. Wakhtigan la joogo Saddex Gobol oo Jamhuuriyada Soomaaliya ah ayey Ciidamada Itoobiya ku jiraan ayey yidhaahdeen. Waxay kaloo sheegeen in Itoobiya oo dad gaadhaya 7 million oo Soomaali ah guumaysanaysay ay hadda rabto inay ku darsato intii xorta ahayd.

Hadaba waxay Anna Nevada ka codsadeen inay fariin ka qaado ku wajahan Xaaladaha ku soo cusboonaaday Geeska Afrika isla markaana Dawlada Maraykanka aysan Itoobiya garab ku siin faragelinta qaawanee ay Soomaaliya ku hayso. Dadka Soomaaliyeed wuu iska difaaci karaa Maxaysatada Itoobiya, balse waxaa loo baahan yahay in Geeska Afrika nabad lagu wada noolaado ayey ku soo koobeen hadalkoodi.

Kulankani wuxuu ahaa mid xiiso leh oo ay labada dhinacba si fiican isu dhagysteen, isla markaana ay hawlgal iyo waxqaad isugu dardaarmeen.

Go’aamadii Kalfadhigii 3aad ee G/Dhexe ee JWXO ee lagu qabtay dalka Ogaadeenya gudihiisa.

Kalfadhiga Golaha Dhexe, Ogaadeenya.
July,31,2006

Kadib markii ay si qoddo dheer uga doodeen ka soo qaybgaalayaasha kalfadhigu ajandihii Kalfadhiga, una kuur galeen xaaladda uu marayo halganka gobonimadoonka shacabka Ogaadeenya iyo guud ahaanba xaaladda Geeska Afrika, wuxuu Kalfadhigu gaadhay go’aamada soo socda:
  1. Maadaama uu halganka gobonimadoonka Ogaadeenya si wayn u taabagalay, lagagana guulaystay gumeysatada Itoobiya ciidan ahaan iyo siyaasad ahaanba wuxuu Kalfadhigu go’aamiyey in la joogteeyo lana sii horumariyo guulaha la taaban karo ee halganka.
  2. In la xoojiyo abaabulka iyo baraarujinta dadweynaha Ogaadeenya dibad iyo gudaba.
  3. In la horumariyo lana sii xoojiyo xidhiidhka saaxiibtinimo een la leenahay shucuubta iyo ururada ictiraafsan xaqa aayo ka talinta dadka Ogaadeenya.
  4. In la sii horumariyo iskaashiga aan la leenahay xoogaga ka soo horjeeda taliska gumeysiga Itoobiya.
  5. Si kor loogu qaado aqoonsiga iyo sumcadda halganka xaqa ah ee shacabka Ogaadeenya waa in laga dhaadhiciyo shucuubta caalamka dadaal dheeri ahna loo sameeyo hirgelinta arrintaas.
  6. In banaanka la soo dhigo aduun weynahana loo bandhigo xadgudubka iyo ku tumashada xuquuqul insaanka ay Itoobiya ku hayso dadweynaha Ogaadeenya een waxba galabsan, iyada oo la adeegsanayo waddo kasta oo lagu soo bandhigikaro xadgudubkaas aan isaga oo kale la arag.

    Baaq:

    Kalfadhigu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Ogaadeenya inay:
  7. Sii xoojiyaan taageerada halganka ee hiil iyo hooba leh ee ay la barbar taagan yihiin JWXO.
  8. Ka digtoonaadaan shirqoolada cadowga gumeysiga Itoobiya ee uu ugu talo galay in uu ku kala qaybiyo cududood midaysan ee ay ku taageersan yihiin halganka JWXO hormuudka ka tahay, cadowgaas oo adeegsanaya biidhi qaatayaasha u dhashay Ogaadeenya.
  9. Kalfadhigu wuxuu ugu baaqayaaa dadyawga xorriyadda iyo nabadda jecel inay taageeraan halganka uu shacabka Ogaadeenya ugu jiro xorriyadiisa.
  10. Waxaan sidaas oo kale bulshada caalamka ugu baaqaynaa inay cambaareeyaan gumeysatada meel kaga dhaca ay ku hayso Itoobiya xuquuq ul insaanka shacabka Ogaadeenya iyo faragelinta joogtada ah ay ku hayso Soomaaliya.

    Cabaarayn

    Kalfadhigu wuxuu si weyn u cambaaraynayaa:
  11. Falalka bahalnimada ah ee ay ka midka yihiin dilka, kufsiga, dhaca, xadhiga iyo baro kicinta ee gumeysatada Itoobiya ku hayso shacabka Ogaadeenya taasoo horey iyada oo kale caalamka uga dhicin.
  12. Faragelinta qaawan ee Itoobiya ku hayso Soomaaliya iyada oo ujeedadeedu tahay inay curyaamiso midnimada iyo qaranimada Soomaaliya.

    29 Aug 2006.
    Axmed Xidig

    Info@radioxoriyo.com
    raadioxoriyo@yahoo.com
     

    Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee dhererkeedu yahay 11865 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
 

News Center   |  Forum |  RX Studio  |  Somali Links  |  Contact Us|

Copyright © 2006 Radioxoriyo.com All Rights Reserved. This site is created by Radio Xoriyo. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.