Ogaden

Home History News Center RX Studio RX Forum Interviews Somali Links Newsgroup Articles

Contact Us

 >>Audio Clip Available Radio Xoriyo    |   BBC Somali >> Audio Clip Available   11:00 GMT    Audio Clip Available 1:00 GMT     Audio Clip Available 18:00 GMT  | 
Main Page
History
RX News
RX Studio
RX Forum
Interviews
Qur'an
Wareysiyo BBC
Xidhxidh rayid
WareysiM.Omar
Wareysi Hanad
Dr.Dolaal
Af hayeenka
W/galbeed
Muuqaal
Wafti ONLF
Wafti ONLF 2aad
Tartan Dh/buur
Gabay Calanka
Rooda Afjano
Mid. Qudbad
Gawric Sangub
Heestii Calanka
Idil & Nimco
Heestii Calanka
Dhaanto & Heeso
Dhoodaan
Dhooda Gabay
Dhanto Guuxa
Dalkaygow
Heeso 1977
Heeso Wadani
Jeero Xabashida
Caafimad
Waaberi dhalinyaro
Nimco & Idil
Heesta Calanka
Hibo Nuura
Xirsi & Mahad
Hodan Cabdulahi
Aragtida Halgamaaga
Laba wajiilel
lama gumaysankaro
Goroyoy G.kuudhac
Kororso Aqontada
  • Dagaallo badan oo cadowga si wayn loogu naafeeyay.

  • Dad rayad ah oo gumaysigu xidhxidhay.

  • Wiilal ciidammada gumaysigu ku kufsadeen Miyiga Garigo'an.

  • Dil iyo dhawacyo ay ciidamada gumaysigu u gaysteen dadwayne rayad ah.

  • Sirdoon la doonayo in laga dhex qoro Macalimiinta iyo Ardeyda degmooyinka Ogadeniya.

  • Xafladii sanadguurada 22aad ee jwxo(Salaamaha iyo Tahniyadaha)Maqal

Dagaallo badan oo cadowga si wayn loogu naafeeyay.

02/08/06 dagaal ka dhacay Haar-dhagax waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 7 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

09/08/06 Dagaal ka dhacay meesha lagu magacaabo Cali Fancad, oo ka tirsan gobolka Nogob, waxaa ciidammada gumaysatada Itoobiya lagaga dilay 3 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

09/08/06 dagaal ay ciidammada xoreynta Ogaadeenya iyo kuwa saama la-luudk ah ee gumaysatada Itoobiya iskaga horyimaadeen Labiga, waxaa maxaysatada Itoobiya lagaga dilay 3 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

10/08/06 Afar-irridood, oo gobolka Doollo ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 5 askari, oo taliyihii ciidammadaas watay uu ku jiro, waxaa kaloo lagaga dhaawacay 10 kale.

1208/06 dagaal adag oo ciidammada geesiyiinta ah ee xoreynta Ogaadeenya iyo kuwa cadowga ku dhex maray meesha lagau magacaabo Burqa-yar, waxaa ciidamada cadowga halkaas lagaga dilay 16 askai, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 20 kale.

12/08/06 Xiidadow, oo ka tirsan Garbo, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada maxaysatada ah ee gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 8 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 7 kale.

12/08/06 dagaal ka dhacay Kariirta, oo degmada Shaygoosh ka tirsan, waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 8 askari, 17 kalana waa lagaga dhaawacay.

Dad rayad ah oo gumaysigu xidhxidhay

Ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah ku xidhxidhay dadwayne rayad ah oon waxba galabsanin. Dadka la xidh xidhayna waxaa ka mid ah;

09/08/06 waxaa magaalada Maraa-caato, oo ka mid ah gobolka Qorraxey, lagu xidhxidhay dadka kala ah;

1- Mursal Faarax Axmed
2- Carrabey Muxumed
3- Kabuul Muxumed
4- Indhaweyne Sh Muxumed
5- Axmed Kurfane
6- Wayrax Kurfane
7- C/llaahi Nuur Cabdi Ciilmooge iyo Budul Ciilmooge

Magaalada Galadiid waxaa lagu xidhidhay dadka kala ah;

1- Maxamed Nuur Barre
2- Maxamed Carab Khuuriye
3- Wali Sh Maxamed iyo
4- Dayib Cabdi Xasan oo ku magac dheer Koofiyad.

Tuulada Huuraale waxaa sidoo kale lagu xidhidhay dadka kala ah;
1- Cismaan Adeec
2- Aamina Daahir Aaden
3- Ardo Shariif iyo
4- Xaliimo C/qaadir

Wiilal ciidammada gumaysigu ku kufsadeen magaalada Garigo'an

Dhibaatooyinka ay ciidammada gumaysiga Itoobiya u gaystaan dadwaynaha reer Ogaadeenya kuma koobna oo kaliya dilka, xabsiga iyo dhaca, balse waxaa caado u ah inay faraxumeeyaan dumarka iyo carruurta Ogaadeenya.

Ciidammada gumaysigu waxaa duleedka magaalada Garigo'an ku kufsadeen labo wiil oo yaryar oo Adhi la joogo, kuwaasoo ay si ba'an u faraxumeeyeen. Wiilashaas ayaa la sheegayaa inay dhibaato aad u ba'ani soo gaadhay, isla markaana ay xaaladdooda caafimad aad u liidato.

Ciidammada gumaysigu waxay sidoo kale isla nawaaxigaas ku kufsadeen gabadh da'yar oo lagu magacaabo Ardo-Jaad.

Dil iyo dhaawacyo ay ciidammada gumaysigu u gaysteen dadwayne rayad ah

Markii ay taariikhdu ahayd 16/08/06 waxay ciidammada nacabka ah ee gumaysatada Itoobiya ku dileen tuulada Burqa-yar labo nin oo lagu kala magacaabi jiray;
1- Shaafi Maxamed iyo
2- Ayaanle Cabdi Soofe.

14/08/06 waxay ciidammada gumaysiga Itoobiya dhaawacyo ugu gaysteen tuulada Huuraale gabadha lagu magacaabo Xaliimo Garaad.

Gobolka Doollo waxay ciidammada gumaysigu ku dhaceen Adhyo aad u badan oo loo waday dhinaca Bariga Soomaaliya. Ciidammada gumaysiga ayaa Adhyahaas ku tilmaamay inay yihiin hanti ay JWXO leedahay, sidaas darteed ay la wareegayaan. Waxaana la xaqiijiyay inay billaabeen inay Adhyahaas qashaan.

Sirdoon la doonayo in laga dhex qoro Macalimiinta iyo Ardeyda degmooyinka Ogadeniya

Wararka naga soo gaadhaya dhamaan degmooyinka uu ka kooban yahay Gobolka Ogadenia ayaa waxay sheegayaan in saraakiisha Tigea-ga iyo Maamul ku sheega Jigjiga ay bilaabeen shalay oo khamiis ahayd laba shir oo waaweyn oo ka kala dhacaya doona Jigjiga iyo Godey.

Labadan shir ayaa waxaa loo kala qabanaayaa Maamul ku sheegyada degmooyinka Ogadenia iyo dhamaan Macalimiinta wax kadhiga dugsiyada degmooyinka Ogadenia

Hadaba, mar uu Wariyaha Radio Xoriyo aad isugu dayey in uu wax ka ogaado dulucda shirarkan dhici doona dabayaaqada bishan August ayaa waxaa dad xog ogaal ahi u sheegeen in ay ku saabsan yihiin sidii loo curin lahaa nidaam sirdoon oo ku wajahan Ardayda iyo Macalimiinta, taas oo ay Saraakiisha Gumeysiga Itoobiya iyo kuwa Dabaqoodhigu ku saadaalinayaan in ay abuuri doonto Kaadiriyiin aad u tiro badan oo u adeega danahooda.

Ciidamada Itoobiya ayaa ku guul dareystay in ay xoog ku caabiyaan Ciidamada Xoreynta Ogadeniya, sidoo kale waxaa aad u yaraadey dadkii u nuglaa u adeega sirdoonka Itoobiya, taas oo keentay in Saariikiisha Itoobiya marba la yimaadaan qorshe cusub.

25 Aug 2006.
Axmed Xidig
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com


Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee dhererkeedu yahay 11865 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
 

News Center   |  Forum |  RX Studio  |  Somali Links  |  Contact Us|

Copyright © 2006 Radioxoriyo.com All Rights Reserved. This site is created by Radio Xoriyo. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.