Ogaden

Home History News Center RX Studio RX Forum Interviews Somali Links Newsgroup Articles

Contact Us

 >>Audio Clip Available Radio Xoriyo    |   BBC Somali >> Audio Clip Available   11:00 GMT    Audio Clip Available 1:00 GMT     Audio Clip Available 18:00 GMT  | 
Main Page
History
RX News
RX Studio
RX Forum
Interviews
Qur'an
Wareysiyo BBC
Xidhxidh rayid
WareysiM.Omar
Wareysi Hanad
Dr.Dolaal
Af hayeenka
W/galbeed
Muuqaal
Wafti ONLF
Wafti ONLF 2aad
Tartan Dh/buur
Gabay Calanka
Rooda Afjano
Mid. Qudbad
Gawric Sangub
Heestii Calanka
Idil & Nimco
Heestii Calanka
Dhaanto & Heeso
Dhoodaan
Dhooda Gabay
Dhanto Guuxa
Dalkaygow
Heeso 1977
Heeso Wadani
Jeero Xabashida
Caafimad
Waaberi dhalinyaro
Nimco & Idil
Heesta Calanka
Hibo Nuura
Xirsi & Mahad
Hodan Cabdulahi
Aragtida Halgamaaga
Laba wajiilel
lama gumaysankaro
Goroyoy G.kuudhac
Kororso Aqontada
  • Ciidammada gumaysiga ee Ogaadeenya jooga shan arrimood xoogga saaraya.

  • Dagaallo badan oo cadowga lagu naafeeyay oo melo kala duwan ka dhacay.

  • Dhibaatooyin kala duwan oo gumaysigu u gaystay dadwaynaha.

  • Ciidammo ka soo goostay Itoobiya oo JWXO isu soo dhiibay.

  • Waraysi meelo badan taabanaya oo aan la yeelanay Siyaasiga Faarax Daahir Afeey(Maqal).

Ciidammada gumaysiga ee Ogaadeenya jooga shan arrimood xoogga saaraya.

Ciidammada gumaysatada Itoobiya ee dulmiga u jooga dalka Ogaadeenya ayaa xilligan la jooga shan arrimood xoogga saaraya, kuwaasoo ay u adeegsanayaan cadadaaiska iyo cabudhinta ay ku hayaan dadwaynaha Ogaadeenya. Shantan arrimood waxay kala yihiin;
  1. Waxay isku dayayaan inay abaabulaan ardayda iyo macalimiinta, iyagoo doonaya inay ka dhex samaystaan kooxo la shaqeeya oo si qarsoodi ah iyo cadba ula hawlgala. Arrintan ayaa la aaminsan yahay inay ciidammada gumaysatada ku qasabtay cabsida ay ka qabaan inuu kacdoon dadwayn oo xooggan ka billowdo gobollada dalka Ogaadeenya, isla markaasna ay ardayda iyo macalimiintu hormuud ka noqdaan, sida ka dhacday gobollada Oromada.
     
  2. Waxay ciidammada gumaysatada Itoobiya xoojiyaan oo si nidaamsan ugu kacaan kufsiga ay u gaystaan dumarka, ragga iyo wiilasha da’yarta ah, arrintaasoo aad ugu oo badatay dalka Ogaadeenya, isla markaana ay muuqato inay qayb ka tahay qorshayaasha ay ciidammada gumaysatada Itoobiya ku cadadaadinayaan dadwaynaha rayadka ah. Waxay kaloo ciidammada gumaysatada Itoobiya billaabeen inay xoolaha u tagaan, iyadoo ilaa iyo hadda ay jiraan xoolo badan oo la gawracay, ka dibna haadda loo wadhay markii ay ciidammada gumaysigu falalkaas u gaysteen. Arrintaasi waxay dadwaynaha ku keentay argagax iyo cabsi intii hore ka badan.
     
  3. Arrimaha kale ciidammada gumaysatadu xoogga saarayaan waxaa ka mid ah dilka mirrijinta ah, iyagoo mirrijin ku dila dadka ay kufsadaan iyo dadka socotada ah ee ay cidlada ka helaan.
     
  4. Waxay kaloo xoogga saarayaan inay raashiinka deeqda ah ee meelaha qaarkood la keeno dadka ku dullaystaan, iyagoo wax yaroo raashiin ah siiya qofka ama qoyska ballanqaada inuu hubka u qaadayo ama kuwa Dabaqoodhiga noqda ee horay hubka ugu qaaday.
     
  5. Waxay kaloo ku dadaalayaan inay dadwaynaha iska horkeenaan, si ay dadku isugu mashquulaan, isla markaana nacayb iyo colaado uga dhex abuurmaan. Arrimaha ay qorshahan u adeegsadaan waxaa ka mid ah iyagoo magic-dhaba qofka u soo sheegay cidday dilaan ama xidhaan.

Dagaallo badan oo cadowga lagu naafeeyay oo melo kala duwan ka dhacay.

Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogadeenay ayaa noo soo sheegay dagaallo badan oo ciidammada cadowga si wayn loogu naafeyay, kuwaasoo muddooyinkii denbe ka dhacay meelo kala duwan oo gobollada Ogaadeenya ka mid ah. Dagaalladaasi waxay u dhaceen sidatan;

27/08/06 ciidammada xoreynta Ogaadeenya ayaa waddada u galay ciidammo gumaysigu leeyahay oo marayay Dharkanley, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxayna halwgalkaas ciidammada cadowga kaga dileen 6 askari, 9 kalana way kaga dhaawacen.

26/08/06 dagaal ka dhacay Sangaal, oo ka tirsan degmada Sagag, waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 9 askari, 11 kalana waa lagaga dhaawacay.

25/08/06 kolonyo ciidammada cadowga ah oo marayay Laas-dhankayre ayay ciidammada xoreynta Ogaadeenya waddada u galeen, waxayna halkaas kaga dileen 17 askari, 21 kalana way kaga dhaawaceen.

25/08/06 dagaal wayn oo ka dhacay Dalaad, oo Qorraxey ka tirsan, waxaa ciidammada cadowga loogu gaystay khasaare ba’an oon faahfaahintiisa la haynin.

24/08/06 dagaal mir ah oo ciidammada dagaalyahamiinta ah ee xoreynta Ogadeenya ku qaaden ciidammada gumaysiga ee fadhiya tuulada Dig waxay ugu gaysteen khasaare ballaadhan.

20/08/06 dagaal ciidamada xoreynta Ogadeenya iyo kuwa maxaysatada Itoobiya ku dhex maray La-helow, oo ka tirsan gobolka Nogob, waxaa maxaysatada Itoobiya lagaga dilay 3 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

20/08/06 dagaal ka dhacay Laanta-dheer, oo degmada Garbo ka tirsan, waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 2 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

Waxaan hadda ka hor idin soo gudbinay dagaal ka dhacay tuulada Caado, oo ka tirsan gobolka Doollo markii ay taariikhdu ahayd 18/08/06. Dagaalkaas, oo ahaa mid aad u adag, waxaa ciidammada gumaystada Itoobiya lagaga dilay 68 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 120 askari. Ciidammada gumaysatadu waxay dagaalkaas ku dileen 3 qof oo shacab ah.

15/08/06 dagaal ka dhacay Gumarrey, oo u dhaxaysa Qabridaharre iyo Gabagabo, waxaa cidammada cadowga lagaga dilay 10 askari, 15 kalana waa lagaga dhaawacay.

14/08/06 dagaal sidoo kale ka dhacay Xero-uus, oo degmada Fiiq ka tirsan, waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 4 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

13/08/06 dagaal ka dhacay meesha lagu magacaabo Cadaadley, oo degmada Dhagaxbuur ka tirsana, waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 2 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

12/08/06 waxay ciidammada xoreynta Ogadeenya waddada u galeen ciidammo kolonyo ah oo gumaysiga ka mid ah oo marayay Maygaaga, oo Dhagaxabuur ka tirsan, waxayna halkaas kaga dileen 2 askari, 2 kalana way kaga dhaawacen.

10/08/06 waxay sidoo kale ciidammada xoreynta Ogaadeenya jidka u galeen kolonyo baabuur ah oo ciidammada gumaysiga ka mid ah, kuwaasoo marayay Laas-galool, waxay halkaas kaga dileen 1 askari, 2 kalana way kaga dhaawaceen.

09/08/06 dagaal ka dhacay Baarta, oo ka tirsan degmada Dhagaxbuur, waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 1 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 1 askari.

06/08/06 kolonyo baabuur ah oo ciidammada gumaysigu lahaayeen oo marayay Fooljeex ayay ciidammada xoreynta Ogaadeenya jidka u galeen, waxayna halkaas kaga dileen 5 askari, 6 kalana way kaga dhaawaceen.

06/08/06 ciidammada xoreynta Ogaadeenya ayaa sidoo kale waddada ku galay kolonyo babuur ah oo ay wateen ciidammada gumaysatada Itoobiya, kuwaasoo marayay Tayin, oo ka tirsan gobolka Qorraxey, waxayna halkaas kaga dileen 22 askari, waxay sidoo kale kaga dhaawaceen 28 askari.

01/08/06 dagaal mir ah oo ciidammada xoreynta Ogaadeenya ku qaadeen ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay magaalada Awaare, waxay ugu gaysteen khasaare ba’an oon faahfaahintiisa la helin.

Dhibaatooyin kala duwan oo gumaysigu u gaystay dadwaynaha.

Ciidammada gumaysiga Itoobiya waxay markii taariikhdu ahayd 19/08/06 tuulada Heela-dheere, oo Garbo ka tirsan ku dileen Sh Dayib Sh Axmed. Waxay isagana la tageen oon ilaa iyo hadda war laga haynin Axmed Baddal Sheekh.

13/08/06 waxay ciidammada gumaysigu Madax-maroodi, oo Qabridaharre ka tirsan, ku kufsadeen gabadh da'yar oo lagu magacaabo Fatxi Xuseen Magan.

Tuulada Garawo, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxay ciidammada gumaysiuga Itoobiy ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- C/wahaab Aw Aaden
2- Cali-cadde Aw Mahdi iyo
3- C/llaahi Aw Aaden.

13/08/06 waxay ciidammada gumaysigu tuulada Baarta ku dhaawaceen nin lagu magacaabo Jaamac Adhiile, kaasoo ay gacmaha ka jajabiyeen.

Jidka u dhexeeya magaalooyinka Godey iyo Qabridaharre waxay ciidammada badhtamihii toddobaadkan ka qaqabteen dadwayne rayad ah oo aanaan tiradooda haynin, ilaa iyo haddana lama garanayo meelaha ay dadkaasi ku denbeeyeen.

Ciidammo ka soo goostay Itoobiya oo JWXO isu soo dhiibay

Markii ay taariikhdu ahayd 28/08/06 waxaa ciidammada gumaysiga Itoobiya ee fadhigoodu yahay degmada Fiiq ka soo goostay labo askari oo ka tirsanaa ciidammada Wayaanaha ee halkaas ku sugan.


Labadan askari oo u dhashay qowmiyada Oromada, midkood waxay darajadiisu ahayd Alifle, midka kalana wuxuu ahaa Dable.

Labadan askari ayaa ka warramay sida ay ciidammada gumaysiga Itoobiya ula dhaqmaan dadwaynaha Ogaadeenya, iyagoo sheegay in ciidammadaasi ay dadwaynaha sabab la'aan iska laayaan, isla markaana u gaystaan xadgudubyo kale oo fara badan oo ay ka mid yihiin kufsiga, jidhdilka iyo dhaca hantida.

Waxayna sheegeen inay raalli ka noqon waayeen cadaadisyada kala duwan ee loo gaysanayo dadwaynaha Ogaadeenya, oo ay ky tilmaameen inay yihiin dad ay walaalo yihiin.

Labadan nin ayaa saaxiibadoodii kale ee wali ku sii jira ciidammada Itoobiya ugu baaqay inay iskaga soo baxaan xeryaha cadowga oo ay isu soo dhiibaan ciidammada xoreynta Ogaadeenya.
Labadan askari ayaa loo ballanqaaday in nabadgelyadooda la sugi doono, isla markaana loo gudbin doono meelaha ay codsadaan. Labadan askari ee hadda isa soo dhiibay waxaa ka sii horreeyay askari kale oo u dhashay qowmiyada Gambella, kaasoo isu soo dhiibay ciidammada xoreynta Ogaadeenya.

01 September 2006.
Axmed Gaal-Eri
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.co
m


Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee dhererkeedu yahay 11865 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

 

News Center   |  Forum |  RX Studio  |  Somali Links  |  Contact Us|

Copyright © 2006 Radioxoriyo.com All Rights Reserved. This site is created by Radio Xoriyo. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.