Ogaden

Home History News Center RX Studio RX Forum Interviews Somali Links Newsgroup Articles

Contact Us

 >>Audio Clip Available Radio Xoriyo    |   BBC Somali >> Audio Clip Available   11:00 GMT    Audio Clip Available 1:00 GMT     Audio Clip Available 18:00 GMT  | 
Main Page
History
RX News
RX Studio
RX Forum
Interviews
Qur'an
Wareysiyo BBC
Xidhxidh rayid
WareysiM.Omar
Wareysi Hanad
Dr.Dolaal
Af hayeenka
W/galbeed
Muuqaal
Wafti ONLF
Wafti ONLF 2aad
Tartan Dh/buur
Gabay Calanka
Rooda Afjano
Mid. Qudbad
Gawric Sangub
Heestii Calanka
Idil & Nimco
Heestii Calanka
Dhaanto & Heeso
Dhoodaan
Dhooda Gabay
Dhanto Guuxa
Dalkaygow
Heeso 1977
Heeso Wadani
Jeero Xabashida
Caafimad
Waaberi dhalinyaro
Nimco & Idil
Heesta Calanka
Hibo Nuura
Xirsi & Mahad
Hodan Cabdulahi
Aragtida Halgamaaga
Laba wajiilel
lama gumaysankaro
Goroyoy G.kuudhac
Kororso Aqontada

Barnaamijka Radio Xoriyo

Aug 22, 2006

  • Tuulada Qudhac Maydal oo ay Ciidamada Itoobiya ku dileen Wiil

  • Labo nin mid da'adiisa tahay 80 meeyo oo laga soo xidhay Tuulada Dhuurre.

  • Dad lagu xidh xidhey Qabridahare.

  • Dad aad u fara badan oo xalay lagu xidh xidhey Magaalada Jigjiga.

  • Sanadguuradii 22aad ee JWXO oo lagu qabtey Magaalada Minneapolis.
    Geedi oo ku dhawaaqey Golaha Wasiirada.

  • Shir iyo xaflad sanadguuro oo lagu qabtay London.

Tuulada Qudhac Maydal oo ay Ciidamada Itoobiya ku dileen Wiil dhalinyaro ah

Wararka naga so gaadhaya Gobalka Nogob, gaar ahaan Tuulada Qudhac Maydal ayaa waxay sheegayaan in markii ay taariikhdu ahayd Auguts 14/08/06 ay Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ku dileen Tuulada Qudhac Maydal Wiil magaciisa naloogu sheegay Maxmed Nuur Sulub Maxmed Cali .

Ma jiraan warar sheegaya in Wiilkaasi wax dambi ah uu galabsaday, balse waxay warar xog ogaal ahi sheegayaan in Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ku amreen in uu raaco oo uu la soo dagaalamo Ciidamada ONLF, taas oo uu marxuumku diidey, maadaama uusan ahayn askari ka mid ah Ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyada Dabaqoodhga toona, wuxuuna ugu jawaabey "taasi ma dhici doonto".

Warku wuxuu intaas ku darayaa, in markasi kadib ay Ciidamada Itoobiya rasaas ooda kaga qaadeen, halkaasna uu ku naf waayey.

Hadaba waxaa gadooday Odayaashii Tuuladaas oo aad arintaas foosha xun uga xumaaday, waxana Odayaashaas oo ay tiradooda gaadhayso 7 loo soo taxaabay Magaadala Fiiq oo ay haatan ku xidhan yihiin Xerada Ciidanka Itoobiya.

Dhinaca kale Tuulo ku dhaw Tuulada Qudhac Maydal oo lagu magacaabo Jidhacle ayaa waxaa ka dhacay dagaal aad u kulul markay taariikhdu ahayd 16/08/06, dagaalkaas oo u dhaxeeyey Xoogag Ciidamada Xoreynta Ogadeniya iyo kuwa Gumeysiga Itoobiya. Waxaana hallkasi khasaare badan loogu geystey kuwa Itoobiya, sida warku sheegayo, inkasta oo aanaan weli haynin tafaasiil dheeraad ah oo la xidhiiidha dagaalkaas.

Wariyaha Radio Xoriyo ee Magaalada Fiiq ayaa waxay dad xog ogaal ahi u xaqiijiyeen in Reer Goobtaasi dagaalku ka dhacey deganaa ay Ciidamada Itoobiya Rasaas ooda kaga qaadeen Xoolohii u xareysnaa oo ay kamid yihiin Geel iyo Adhi, sidoo kale waxay soo xasuuqeen dadki reerkaasi degenaa, inkasta oo aan tiro sugan haynin.

Labo nin mid da'adiisa tahay 80 meeyo oo laga soo xidhay Tuulada Dhuurre

Wararka naga soo gaadhaya Tuulada Dhuure oo ka mid ah Gobolka Qoraxay ayaa waxay sheegayaan in Ciidamadaa Gumeysiga Itoobiya Tuuladaas ka soo xidheen taariikhdu markii ay ahayd 17 kii August 2006 laba nin oo shacab ah.

Labadaas nin ayaa magacyadooda naloogu kala sheegay;

Barre Cismaan Cajab, oo da'diisu tahay 80 jir
Cabdi Xaakin Xasan Biixi

Labadan nin oo si aad ah loo jidh dilay ayaa hada ku xidhan Xerada Ciidamadaa Gumeysiga ee Magaalada Qabridahare.

Dad xog ogaal ah ayaa aad uga dayrinaya xaalada ay sugan yihiin labadan nin, kuwaas oo ku tilmaamey in ay geeri qarka u saaranyihiin kadib markii si bani aadamnimada ka baxsan loo jidh diley.

Labadan nin ayaa loo xidhey, kaidb markii lagu eedeeyey in dad ay qaraabo yihiin ka midyihiin Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadeniya.

Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ayaa wada olole ba'an oo ay ku gumaadayaan dadka shacabka ee Ogadeniya, iyaga oo qof kasta oo lagu edeeyo in uu qaraabo ku leeyahay JWXO xabsi dhigaya.

Dad lagu xidh xidhey Qabridahare

Waraka naga soo gaadhaya Gobolka Qoraxay ayaa waxay sheegayaan in Jimcihi oo ay bishan Aug 18, 2006 dad shacab ah oo aad u tiro badan lagu xidhay Magaalada Qabridahare, waxaa dadkaas ka mid ah inta aan magacyadooda hayno;

Mmaxamed Mursal (Ganay Mursal)
Xaliimo Dhag kamaqal
Axmed Khadar Cabdi Gaydh
Cabdi Cali Gable
Asad Maxamed Galbeed
Saynaba Aw-Cilmi
Bashiir Maxamed Madar
Tube C/laahi Muxumed
Maxamed Caydiid Ileeye
Abshir Dayib C/laahi
Faadumo Sheekh Xuseen

Dadkan oo dhamaantood ah dad shacab ayaa waxaa lagu dhoobay jeelka Ciidanka Gumeysiga Itoobiya ee Magaalada Qabridahar oo ay horay ugu sii jireen dad aad u tira badan oo ah shacab.

Ciidamada Itoobiya ayaa cadaadis xoog leh ku haya Gobolada Ogaadeniya, inkasta oo ugu sii daranyahan Gobolka Qoraxey xiligan xaadirka ah.

Dad aad u fara badan oo Jimcihii lagu xidh xidhey Magaalada Jigjiga

Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in habeenkii Jimcaha ee la soo dhaafay, saacada Magaalada Jigjiga markey ahayd 12:30AM ay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya (CGI) ka bilaabeen olole ay guryaha ku baadhayaan. Ololahan oo ay ugu magac dareen "Sifeynta Taageerayaasha Ururka ONLF" .

Ololahan ayey ku baadheen 17 guri, waxayna qabteen dad tiradoodu gaadheyso 9 ruux. Dadkaas oo loo taxaabey xerada Ciidamada Gumeysiga Itoobiya, waxaa ka mid ah dadka magacyadoodu na soo gaadheen Gabadh lagu magacaabo Shukri Xaashi.

Sidoo kale waxaa ku jira dadkaas guryaha laga soo qabqabtey 4 Wiil oo laga soo qabtey Masaajid oo aan magacyadooda haynin.

Go'aankan dadka lagu soo qabqabanayo ayaa wuxuu kasoo baxay shirkii ay dhawaan soo qaban-qaabiyeen Tawalde iyo Abaase Haay oo ay ku sheegeen inay bilaabi doonaan hawlgal ku wajahan Magaalaada Jigjiga.

Ciidamada Itoobiya ayaa si bahalnimo ah xasuuq ugu wada dadka shacabka ee ana waxba galabsan, kadib markii ay ku guul dareysteen in ay xoog ku caabiyaan Ciidamadaa Jabhada wadaniga Xoreynta Ogadeniya.

Sanadguuradii 22aad ee JWXO oo lagu qabtey Magaalada Minneapolis

Wariyaha Radio Xoriyo ee Magaalada Minneapolis ayaa sheegaya in xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey oo lagu xusayey sanadguuradii 22aad ee ka soo wareegtey aas-aaskii JWXO lagu qabtey Tiyaatarka wayn ee Sabathani Community Center ee Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota.

Xafladan oo ay ka soo qayb galeen boqolaal qof oo isagu jira dhamaan qaybaha bulshada ayaa halkaas ka muujiyey shucuur wadaninimo iyo isku duubni. Waxayna balan qaadeen in ay sii wadi doonaan taageerada ay la garab taagan yihiin shacbigooda dulman iyo halgamayaasha jiida hore ee dagaalka.

Waxaa dadweynihii goobtaas isagu yimid warbixin dheer siiyey Halgame Maxamuud Nuur oo ka waramay Marxaladaha kala duwan ee uu Halganku soo maray iyo xalaadaha maanta taagan. Sdioo kale, waxaa goobtaas lagu soo bandhigay heeso, gabayo iyo sugaan halgameed kala duwan.
Dadwaynihi munaasabada ka soo qayb galay ayaa waxay ku dhawaaqayeen halku dhagyo ay ka mid yihiin "Guumaysi dooni mayno, dhag ha u dhigana Dabaqoodhiga Doolka ah iyo midka gudaha toona.

Geedi oo ku dhawaaqey Golaha Wasiirada

Ra'isal Wasaarah Soomaaliya Cali Maxaamed Geedi ayaa shalay ku dhawaaqey Golaha Wasiradiisa.

Golahan Wsiirada oo ka kooban 31 Wasiir ayaa u badan Wsiiradii hore oo intooda badan ay hayn doonaan jagooyinkii ay hore ugu magacwnaayeen. Ra'isal waraasurhu wuxuu sheegay in uu magacaabi doono Wasirii ku xigeeno, isagoo shalay magacaabey Wasiirada kadib, Wasirro dawladeedyo dhwor ah.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in Geedi ku dhawaaqey Golahan Wasiirada kadib markii uu wada tashi dheer la sameeyey Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha DFKM ah, taas oo suurto gelin karta in Golahan cusub ee Wasiiradu dhaqan geli doono.

Balse Xeel dheerayaasha Siyaasada Soomaliya ayaa qaarkoodb durba ka dayriyeen sida ay dawladan cusub wada hadal nabadeed ula yeelan lahayd Maxaakiimta, maadama Wasiirada la magacaabey yihiin kuwii horey u jirey.

Maxaakiimta ayaa DFKM ah ku eedeysa in ay Ciidamo Itoobiyaan ah soo gelisay wadanka Soomaaliya, halka ay DFKM ah arintaas si adag u inkarto.

Si kastab ha ahaatee, warbaahinta madaxa banaan iyo dadka shacabka ah ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya ku sugan yihiin Gobolada Soomalaiya, gaar ahaan magaalada Baydho oo ay la wareegeen gacan ku hayta Gegida Diyaaradaha.

22 Aug 2006.
Axmed Xidig
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com


Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee dhererkeedu yahay 11865 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Opinion

Odayada dalkoodoo labixin diidnay odhan waayay Abdirahman ahmedwali New
BBC Soomali ma ogadeniyey gumeysataa?Soran 
Dadka Soomaalida Ogaadeeniya ee ku Nool Dibaddu ma ka soo Baxaan Kaalin Halgameedkii Xamiid Cali Aar
WAA MAXAY ISTARAATIJIYADDA DHABTA AH EE AY ETHIOPIA KA LEEDAHAY OGADENIA duufaan Xasan Nuur
ODAYADA IYO WEJIGA LABAAD EE QORSHE SIR AH Hereri Haji
ABAARAHA KATAAGAN GEESKA AFRICA IYO WAX YAABAHA KEENAY Eng. Badal Ahmed Hassan  PDF
Is the ONLF tolerating intolerance? Response to Ayuub Mohamed’s The ONLF-has it failed the Somalis? By Sadiq A. Abdirahman PDF
10 toban siyood oy wadaagaan shirarka jaaliyadaha Ogaadenya iyo 2 aan rajaynayo inay soo kor dhaan Hubiye Maxamed
Ogaadeenya oo Tubtii Xoriyadda Cagta saartay. Maax Ibrahim
Meeting of US Congress Members, State Department Officials and High Ranking ONLF officials Halkan kadaawo Sawiradii
Sat. ERI.TV GUEST focuses on ethnic cleansing in Ethiopia. ONLF, OLF, SLF and Anywaa part

News Center   |  Forum |  RX Studio  |  Somali Links  |  Contact Us|

Copyright © 2006 Radioxoriyo.com All Rights Reserved. This site is created by Radio Xoriyo. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.