Ogaden

Home History News Center RX Studio RX Forum Interviews Somali Links Newsgroup Articles

Contact Us

 >>Audio Clip Available Radio Xoriyo    |   BBC Somali >> Audio Clip Available   11:00 GMT    Audio Clip Available 1:00 GMT     Audio Clip Available 18:00 GMT  | 
Main Page
History
RX News
RX Studio
RX Forum
Interviews
Qur'an
Wareysiyo BBC
Xidhxidh rayid
WareysiM.Omar
Wareysi Hanad
Dr.Dolaal
Af hayeenka
W/galbeed
Muuqaal
Wafti ONLF
Wafti ONLF 2aad
Tartan Dh/buur
Gabay Calanka
Rooda Afjano
Mid. Qudbad
Gawric Sangub
Heestii Calanka
Idil & Nimco
Heestii Calanka
Dhaanto & Heeso
Dhoodaan
Dhooda Gabay
Dhanto Guuxa
Dalkaygow
Heeso 1977
Heeso Wadani
Jeero Xabashida
Caafimad
Waaberi dhalinyaro
Nimco & Idil
Heesta Calanka
Hibo Nuura
Xirsi & Mahad
Hodan Cabdulahi
Aragtida Halgamaaga
Laba wajiilel
lama gumaysankaro
Goroyoy G.kuudhac
Kororso Aqontada

Barnaamijka Radio Xoriyo

Aug 18, 2006

  • Shaygoosh oo Baabuurta rakaabka lacag lagaga qaato

  • Dad laga soo qabqabtay Tuulada Galadiid

  • Magaalada Caado oo afar nin oo shacab ah lagu dilay

  • Mahdi Ayuub oo xabsiga loo taxaabey

  • Boqolaal ka mid ah Ciidamada Itoobiya oo isu dhiibey Eritrea.

  • Salaamaha & Tahniyadaha sanadguurada 22aad ee dhalashada JWXO(Maqal)

Shaygoosh oo Baabuurta rakaabka lacag lagaga qaato

Shaygoosh oo Baabuurta rakaabka lacag lagaga qaato

Wararka aan ka helayno Magaalada Shaygoosh ee Gobolka Qoraxay ayaa waxay sheegayaan in Magaaladaas marka ay soo maraan Baabuurta xamuulka iyo kuwa shacabka qaada in lagu amro in ay dhigaan lacag deebaaji ah.

Lacagtaas oo damaanad looga dhigayo in ruuxa socdaalka ah, kan Baabuurka wada iyo kan uu u raran yahay ay damaanad qaadaan in ay u soo laaban doonaan lacagtaas.

Hadaba Wariyaha Radio Xoriyo ee Gobolka Qoraxey ayaa doraad mar uu la kulmey dad safaro ah oo ka yimid Shaygoosh u sheegeen "haddii aad socoto ahaan ku soo marto Magaalada Shaygoosh oo aad wadato lacag dhan toban birr oo lacagta Itoobiya ah shan kamid ah lagaa reebayo"

Dad laga soo qabqabtay Tuulada Galadiid

Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Qoraxey, gaar ahaan Tuulada Galadiid ayaa waxay sheegayaan in dad shacab ah ay Ciidamada Gumaystaha Itoobiya (CGI) kasoo xidheen, dadkaas oo doraad la keenay xeryaha CGI ee Magaalada Qabridahar.

Dadkaas waxaa ka mid ah inta aan magacyadooda hayno;
Mukhtaar Maxamed
Dakhare Sh. Ibraahin
Shariif Mukhtaar Shariif Qorane
C/nuur Khaliif
Ina C/laahi Cali Mahdi
Dadkan oo dhamaantood laga soo qabtay Tuulada Galadiid ayaa waxay ku edeysanyihiin in dad ay qaraabo yihiin ka midyihiin Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadeniya (JWXO).

Dhinca kale, waxaa Tuulada Fooljeex laga soo qabtay nin magaciisa naloogu sheegay Bashiir Cabdi Guuleed. Ninkaas oo ah nin shacab ah ayaanan ilaa hada la garaneyn sababta ay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya u soo xidheen.

Ciidamada Itoobiya ayaa Ogadeniya ka wada hawlgal ay ku gumaadayaan shacabka, waxayna dadka miyaga iyo Tuulooyinka degen u layaaan si naxariista bani'aamka ka baxsan, iyaga oo dila qof kasta oo ay meel dariiq ah ku arkaan.

Sidoo kale waxay bilaabeen in ay xabsiyada ka buuxiyaan dadka eheladoodu ku jiraan JWXO.


Magaalada Caado oo afar nin oo shacab ah lagu dilay
Wararka aan ka helayno Gobolka Doolo gaar ahaan Tuulada caanka ah ee Caado ayaa waxay sheegayaan in Maalintii Arbacada Tuuladaas Ciidanka Gumeysiga Itoobiya (CGI) uu qudha kaga jaray afar nin oo shacab ah.

Afartan marxuum oo aanan ila hada haynin magacayadaooda ayaa lagu xabaaley magaalaada Caado ee Gobolka Doolo.

Ilaa iyo hada ma jiraan wax sabab ah oo loo diley afartaas marxuum.

Mahdi Ayuub oo xabsiga loo taxaabey

Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Jijiga ayaa waxay sheegayaan in doraad xabsi loo taxaabay Mahdi Ayuub oo ahaan jirey Hogaanka Nabadgelyada ee Maamul ku sheega waxa loogu yeedho Kililka ee Magalaada Jigjiga.

Sida uu sheegayo Wariyaha Radio Xoriyo ee Magaalada Jigjiga, Mahdi Ayuubwuxuu ku jirey xabsi Guri maalmahan kadib markii uu baxsaday Cali Kunaay oo ahaaan jirey Afhayeenka Barlamaan ku sheega Jigjiga oo u baxsadey wadanka isutaga imaaraadka carabta, balse daraad saacada Africada bari markey ahayd 9:30 subaxnimo ayaa gurigsiisa laga kaxeeyay loona taxaabay xabsi wayn oo ku yaala Magaalada Jigjiga oo lagu magacaabo HAABAANO.

Warku wuxuu xaqiijinayaa in markii gurigiisa laga qabanayay ay askartii Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ula dhaqmeen si ka baxsan bani aadaminimo oo ay hanjabaad iyo cadaadis caga jugleyn ah kaga kaxayeen guriga.

Si kastaba ahaatee Mahdi Ayuub oo in mudo ah la soo shaqeeyey talisyadii kala duwanaa ee Gumeysiga Itoobiya soo marey, ayaa abaal gud looga dhigey xabsi oo uu haatan ku suganyahay.

Boqolaal ka mid ah Ciidamada Itoobiya oo isu dhiibey Eritrea.

Sida ay sheegtay Wasaarada Warfaafinta ee wadanka Eritrea waxaa isa soo dhiibey boqolaal ka mid ah Ciidadama Itoobiya oo ay ka mid yihiin saraakiil sar sare, sida kabtano iyo kuwa leh darjada dhexe.

Ciidamadan u dambeeyey ee isa soo dhiibey ayaa waxaa hogaaminayey labada kabtan ee lagu kala magacaabo Captains Bededa Regassa iyo Negesso Watyo oo sheegay in baxsiga iyo kala yaaca Ciidmada Itoobiya ay ku faafeyso dhamaan cidhifyada dalka Itoobiya.

Dhinca kale, warar kale oo madax banaan ayaa sheegaya in ciidamada isa soo dhiibey ay qayb ka ahaayeen, kuwii todabdaadkii hore isu dhiibey wadanka Eritrea ee uu hogaaminayey Birg General Kemal Gelchi, balse ay kala lumen ciidamada General-ka, kadib mar uu dagaal qabsadey, balse ay hada soo gaadheen wadanka Eitrea iyaga oo bad qaba.


18 Aug 2006.
Axmed Xidig
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com


Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee dhererkeedu yahay 11865 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

 waqtiga Afrikada Bari

Opinion

Odayada dalkoodoo labixin diidnay odhan waayay Abdirahman ahmedwali New
BBC Soomali ma ogadeniyey gumeysataa?Soran 
Dadka Soomaalida Ogaadeeniya ee ku Nool Dibaddu ma ka soo Baxaan Kaalin Halgameedkii Xamiid Cali Aar
WAA MAXAY ISTARAATIJIYADDA DHABTA AH EE AY ETHIOPIA KA LEEDAHAY OGADENIA duufaan Xasan Nuur
ODAYADA IYO WEJIGA LABAAD EE QORSHE SIR AH Hereri Haji
ABAARAHA KATAAGAN GEESKA AFRICA IYO WAX YAABAHA KEENAY Eng. Badal Ahmed Hassan  PDF
Is the ONLF tolerating intolerance? Response to Ayuub Mohamed’s The ONLF-has it failed the Somalis? By Sadiq A. Abdirahman PDF
10 toban siyood oy wadaagaan shirarka jaaliyadaha Ogaadenya iyo 2 aan rajaynayo inay soo kor dhaan Hubiye Maxamed
Ogaadeenya oo Tubtii Xoriyadda Cagta saartay. Maax Ibrahim
Meeting of US Congress Members, State Department Officials and High Ranking ONLF officials Halkan kadaawo Sawiradii
Sat. ERI.TV GUEST focuses on ethnic cleansing in Ethiopia. ONLF, OLF, SLF and Anywaa part

News Center   |  Forum |  RX Studio  |  Somali Links  |  Contact Us|

Copyright © 2006 Radioxoriyo.com All Rights Reserved. This site is created by Radio Xoriyo. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.